Madaxweynaha Galmudug oo sheegay in dhawaan Cadaado ay soo gaari doonaan diyaarado gargaar sida

Cadaado (estvlive) 29/07/2017

Madaxweynaha maamul-gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf, ayaa shalay dib ugu noqday Xaruunta ku meel gaar ka ah ee dowlad gobolleedka Galmudug.

Madaxweynaha ayaa maalmihii lasoo dhaafay howllo shaqo u joogay magaalladda Nairobi ee caasimada dalka Kenya, sida mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka ay sheegeen.

Garoonka Diyaaradaha ee Cadaado ayaa waxaa ku soo dhaweeyey Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi iyo Xubno ka tirsan labada golle ee maamulka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Cadaado.

Mudane Xaaf oo Warbaahinta kula hadlay Madxtooyada Dowlad gobolleedka Galmudug ayaa sheegay in maalmaha soo socda Cadaado soo gaari doonaan Diraado gar-gaar sida taas oo lagu caawinaayo Dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan deegaannada hoos yimaada Galmudug.

“Waxaan kasoo shaqeynay in dhawaan la qab doono dhir weyn oo ay abaabuleyso Qaramada Midoobe, kaas oo la doonayo in Maamulka Gamudug wax loogu qabto”, ayuu yiri Xaaf.

Degaannada Galmudug ayaa waxaa ay kamid yihiin meelihii ugu darnaa ee ay abaaraha saameeyeen sanadkan, waxaana hay’adda gar-gaarka ka shaqeeya ay sheegeen in kaalmooyin deg-deg ah la gaarsiin doono.

Comments are closed