Iyadoo ka hadleysan munaasabad halkaa lagu qabtay ayeey sheegtay in labo howleed ay u timid Hargeysa, sida inay furto Kaniisad iyo inay dadka si mutadawacnimo ugu adeegtay.
“Markeygii hore waxaan u imid Soomaaliland howl-mutadacnimo ah taas oo ah kaniisada cusub ee Kaatoliga oo dib looga furay magaalada Hargeysa taas oo xirneyd muddo 30 sanadood ah ” ayey tiri Marianne Vecchione.
Marianne ayaa sheegtay in maamulka Somaliland ay dalnimadooda ay muhiim u tahay in dadka Kirishtaanka ah loo ogolaado meel ay ku cibaadeystaan.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Somaliland oo ku aadan sheegashada haweeneydan ajaaniibta ee ah Hargeysa dib looga furay kaniisad xirneyd muddo 30 sano ah.
Comments are closed