Ujeedada safarka wasiirka wuxuu la xiriiray dhisme cusub oo wasaaradda Maaliyadda Puntland ay ka hirgalinayso Tukaraq, kaaso oo adeegsan doono shaqaalaha kastam maaliyada oo ka mid ah kastamayada dakhligu uga soo xaroodo wasaaradda Maaliyadda
Magaalada tukaraq waxaa hore uga jiray kastam cashuuraha Wasaaradda Maaliyadda Puntland ay leedahay balse wasiirka ayaa dhagax dhigay Dhisme k cusub oo halkaasi dhowaan looga hirgalin doono.
Madaxweynaha dowladda Puntland,wuxuu toddobaadkii hore xariga ka jaray dhisme cusub oo casri ah oo wasaaradda Maaliyadda Puntland ay ka hirgaliso caasimadda Garoowe, kaasi oo ay ku shaqayn doonaan shaqaalaha wasaaradda maaliyaddu.
Comments are closed