Wasiirka Gaashaan Dhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/rashiid C/laahi Max’ed oo faah faahiyay ujeedada shirkaasi iyo waxyaabihii looga hadlay wuxuu sheegay in in askarigii ugu horeeyey ee Amisom ah la qorsheynayo in uu dalka ka baxo dhamaadka 2018 islamarkaana si tartiib tartiib ay ay dalka uga bixidoonaan ayadoo amaanka ay si buuxda ula wareegidoonaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
“Shirkan waxaa uu socday muddo 5 maalmood ah ayuu Muqdisho, ka socday, waxaana goog jog ka ahaa, dhaman hay’adaha amanaka dalka hadii ay ahayn lahaayeen, nabad sugidda militariga iyo dhamaan sarakiisha amniga, waxaana laga hadlay, horumarinta amniga, tababaridda iyo qalabaynat ciidamada, iyo sidii Amisom ay amniga ugu wareejin lahaayeen ciidamada dowladda Soomaaliay”, Ayuu yiri wasiirka Difaaca Soomaaliya.
Danjire Farncisco Madeira Caetana oo madax howlgalka Amisom ee Soomaaliya, oo dhiniciisa ka hadlay shirka wuxuu sheegay in shaqada ciidamadda Amisom ee Soomaaliya ay tahay taageerida dowladda federaalka Soomaaliya, si loo yareeyo khatar ururka Al-sjabaab
“ Wadajir waxaan uga wadashaqaynaynaa in la abuuro xaaladd wanaagsan iyo dowlada sharci ah oo dalka oo dhan ka howlgasha” ayuu danjire Farncisco
Shirkan oo lagu soo geba gebeeyey magaalada Muqdisho ayaa daba socda shirar horey uga dhacay magalaaad London ee dalka Briatin iyo magalaaad Muqdisho oo waxyaabiha looga hadlayay ay kamid ahaayeen sidii loo dhisi lahaa ciidamo Soomaaliyeed oo isku-dhaf ah, tayadooda kor loogu qaadi lahaa, si ay xaqiijinyaa amaanka dalkooda.
Comments are closed