Afar qof oo argagixiso looga shakiyey ayaa lagu xirey Australia

Sydney (estvlive) 30/07/2017

Afar nin ayaa maalintii shalay ee Sabtida lagu xiray magaalada Sydney ee dalka Australia. Afarta qof ayaa lagu tuhunsan yahay in ay qorsheynayeen weerar ay ku qaadaan garoon diyaaradeed sida laga soo xigtey Rayslawasaaraha dalkaas Malcolm Turnbull.

Kooxda laga shakisan yahay waxaa lagu soo qabtey hawlgal ballaaran oo ay fuliyeen ciidamada ka hortaga falalka argagixisada. Sida laga soo xiganayo Rayslawasaraaha dalkaas, hawlgalku weli waa socdaa. Maamulka Australia kama hadlin garoonka diyaaradaha ee la tuhunsan yahay in weerarka lagu qaadi lahaa.

 

Waxaa kor loo qaadey ilaalada garoomada diyaaradaha ee Australia, Raysalwasaaraha Ustaraaliya Turnbull ayaa u sheegay dadka safarada isu diyaarinaaya in ay u diyaar garoobaan daahitaan iyo safaf dhaadheer, amniga dartiis waxaana uu ka codsadey in ay dul qaataan, waxaana uu war saxaafadeedkiisa ku yiri ma jirto khatar weyn.

Lama garanayo afarta qof dhalashadooda iyo magacyadooda toona.

Comments are closed