Madaxweynaha Koonfur galbeed oo isku shaandheyn ku sameeyey gollihiisa wasiirrada

Baydhaba (estvlive) 30/07/2017

Madaxweynaha Koonfur galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa goor dhaw ku dhaawaqay isku-shaandheyn lagu sameeyay xubnaha gollaha wasiiradda maamulka.

Isku shaandheyntan oo aheyd mid todobaadyadii ugu danbeeyayba siweyn looga hadal hayay magaalada Beydhabo ayaa waxaa ka dhax muuqanaya wasiiro cusub, halka wasiirradii hore qaarkood loo badallay wasaarrado kale.

Madoobe Nuunoow Maxamed oo horay u ahaa wasiirka Xanaanada xoolaha ayaa hadda noqonaya wasiirka arimaha gudaha maamulka Koonfur galbeed, halka Cabdiraxmaan Sate Wasiirkii hore ee arimaha gudaha loo magacaabay wasiirka maaliyada.

Xildhibaannada maamulka Koonfur Galbeed ayaa horay uga codsaday madaxweynaha in uu is badal ku sameeyo golaha wasiirada, maadaama ay sheegeen in ay jiraan xubno aan ka soo bixin waajibaadkii loo igmaday.

Comments are closed