In kabadan 7 kun oo qof ayaa la dilay tan iyo markii Madaxweyne Duterte uu bilaabay howlgalka ka dhanka ah ka ganacsiga drugs bishii July ee sanadkii 2016.
Afhayeenka Parojingos, ayaa beeniyay in uu jiray wax iska hor imaad ama iska caabin ah oo dhexmaray ciidanakii weerarka soo qaaday iyo kuwii ku sugnaa hoyga Parojingos.
Xaalada dalka Philippine ayaa tan iyo shalay qasan, waxaana laga cabsi qabaa khalalaaso xooggan in uu ka bilowdo dalkaasi.
Madaxweyne Duterte, ayaa xafiiska qabtay mudo hadda laga joogo hal sano waxaana uu wacad ku maray in uu dili doono tobanaan kun si loo joojiyo ka ganacsiga drugs-ka sharci darrada ah ee dalkaasi ragaadiyay.
Comments are closed