“Waxaa inoo soo gabogabowday labadi gobol ee ugu weyna ee ay diiwaangaliyeyaashii isdiwaangaliyeen oo ay gacantooda ugu jirto kaararkii ay ugu codeyn lahaayeen, waxa ay ahaayeen arin qaran oo dastuurku idin siiyey inaad wax doorataan”ayuu yidhi Iimaan.
Mar uu ka hadlayey labadda gobol ee hadhsan waxa uu yidhi “Komishanka doorashooyinka wuxu u baxayaa gobolka Sanaag iyo Sool, waxaanu daah furi doonaa maalin khamiis ah oo labadda caasimadood ee labada gobol ka shaacin doona wakhtig aay bilaabmayso oo ah bisha August 12-keedii, gobolka Sool waxa la dhigi doonaa 177 goobood, gobolka Sanaag 173
goobood marka laga reebo 13 kii goobood ee xeebta ee mar lala bilaabay gobolka Saaxil iyo Awdal, waxaan ku boorinaynaa in bisha 8aad, 12 keeda qof waliba kaadhkiisa u doonto halkii uu iska diiwaangaliyey.”
Waxaa iyaguna soo dhoweeyey wakiilada u fadhiya xarunta Komishanka doorashooyinka saddexda xisbi.
Comments are closed