Madaxweynaha Jubbaland oo Booqday Ciidamo Loo Diyaariyay Howlgal Ka Dhan Al-shabaab

Kismaayo (estvlive) 01/08/2017

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa  Xeradii hore ee Ciidamada Cirka ee ma dhamaato ku booqday ciidamo  tababar loo gabagabeeyay,   kana tirsan Darawiishta Jubbaland , kuwasoo ku jiraa u diyaar garowgii ugu danbeeyay ee ay ugu dhaqaaqi lahayeen hawlgalada ay Al-Shabaab  ay kaga xoraynayaan Gobolka Jubada dhexe iyo qaybo kamid ah Jubada Hoose.

Madaxweynaha ayaa Askarta ku amaanay siday ay ugu dulqaadanayaan duruufta adag ee wadanka ka jirta isagoo sheegay in aan waxba laga hagran doonin isla markana ay Dowladu dhabarka isaga jabin doonto sidii ay xuquuqdooda mar walba u heli lahayeen.

 

Madaxweynaha oo sidoo kale  ah Taliyaha guud ee Ciidamada qalabka sida wuxuu sheegay in daacadnimo looga baahan yahay isla markana ay masuuliyad adag saran tahay Ciidamadan oo looga fadhiyo in ay deegaanka ka xoreeyaan koox uu sheegay in ay marayso marxalad burbur iyo kala yaac ah oo u baahan oo kaliyah in la is raaciyo.

“Hadii aad idinku daacad u noqotaan Dalkiina oo aad u dhabar adaygtaan dagaalka aan cadawga kula jiro waxaa dhab ah in aan ka maarmayno Ajinabi iyo Ciidan shisheeye” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu sheegay in Dowladu ay bil walba diyaar la tahay mushaarka iyo gunooyinka Ciidanka si taas lamid ahna looga baahan yahay in waajibaadka saran ay kasoo baxaan.

Maamul goboleedka Jubbaland ayaa ka taliya qaybo ka mid ah goboladda jubbada Hoose iyo gobolka Gado ee koonfurta Soomaaliya, halka urur al-shabaab oo dagaal kula jira maamulka jubbaland uu ka taliyo gebi ahaanba gobolka jubbadda dhexe iyo qaybo ka mid ah goboladda kale ee koofurta Soomaaliya.

Comments are closed