SAWIIRO: 8000-Qof Jigjiga Isku-soo-bax Olale nadaafadeed oo laga fuliyay
Jigjiga (estvlive) 03/08/2017
Waxaa maanta caasimada DDSI ee Jigjig ka qabsoomay hawlgal aad u balaadhan oo ay ka qayb galeen dadwayne tiradoodu kor u dhaaftay 8000 ruux.
Oo iskugugu jiray ardayda jaamacadaha 2500, maamulka magaalada Jigjiga 5000 iyo inta kale oo iskugu jirta hogaaminta sare XDSHSI, golaha kabineetka DDSI IWM kaas ah ol ole lagu nadiifinayay korna loogu qaadayay bilicda caasimada Jigjiga.
Hadaba gaar ahaan agagaarka togga wayn ee magaalada dhexmara sidoo kalena lagu beerayay dhir tiro ahaan kor u dhaaftay 5000 waxaana hawshan isku soo dubariday xafiiska maamulka DDSI, Xarunta dhexe ee XDSHSI iyo xafiisyo bahwadaag ah oo uu hogaaminayo xafiiska waxbarashada DDSI
Waxaana kale oo kaalin libaax ka qaatay maamulka iyo shaqaalaha caasimada Jigjiga waxayna hawshan muhiimka ah ee wax lagaga qabanayo ilaalinta deegaanka iyo bilicda qaybka tahay horumarka xawliga leh ee dhinacyada badan ee ka socda DDSI siiba horuumarka cagaaran oo laf dhabar u ah qorsheheena dal ee GTP2
Ugu dambeyntii Shaqooyinka noocan ahi waxay si gaar ah uga sii socon doonaan dhamaan deegaanka DDSI Taasoo ah tabarucaad iska wax u qabo ah
Comments are closed