Maareeyaha ayaa tilmaamay in ka dib markii ay xukuumada DDSI xooga saaray sidii qaybaha kala duwan ee bulshada DDSI fahan buuxa looga siin lahaa in nidaamka dakhli ururinta iyo xadaynta dakhligu laf-dhabar u tahay in ay bushadu hesho horumar, nabadgalyo iyo maamul suuban islamarkaana ay suurta galinayso in nolosha bulshadu heer sare noqoto lana tir tiro dulsaarnimada iyo saboolnimada ayaa waxay bulshadu ku dhiiratay in ay bixiyaan cashruuraha ku waajibka ah waxaana lagu guulaystay in dakhligii qorshaysnaa sidii loogu talagalay iyo si ka fiican loo soo xereeyo islamarkaana la suurta galisay in sanadihii ugu danbeeyay si xawliya kor loogu qaado dakhliga deegaanka .
Maareeyaha ayaa sheegay in sanad miisaaniyeedkii 2009TI ay ahaa qorshaha u dajisan DDSI in la soo ururiyo dakhli dhan 2.2 Billyan balse lagu guulaystay in la soo ururiyo dakhli dhan 2,Bilyan 324,124,020.16 oo laga soo kala xereeyay dakhliga heer deegaan, heer degmo iyo heer maamul magaalo dhinaca kale waxaa qorshaysnaa ayuu yidhi maareeyuhu sanadka 2009TI la diwaan galiyo 6,498 cashuur bixiyeyaal waxaana lagu guulaystay in la diwaan galiyo 9,747 oo cashuur bixiyayaal heerkoodu kala duwan yahay, lana siiyay shahaadada lambarka cashuur bixiyaha (TINka), waxaa tababaro iyo wacyigalino la siiyay ayuu yidhi masuulku 98,168 oo ah shaqaalaha dawaalada dakhliga ee heerarkooda kala duwan iyada oo dhinaca kale xooga la saaray sidii loo gufaynlahaa meelaha gol-dalooladu ka imankarta
dhinaca kale maareeyuhu mar uu ka waramayay qorsha wakaalada dakhliga DDSI sanadka 2010 ayaa waxa uu sheegay in uu yahay in la soo xereeyo dhakhli dhan 3 billyan dakhligan ayaa waxaa lagu hirgaliyay adeegayada aas aasiga ah ee bulshada iyo kor u qaaditaanka kaabayaasha dhaqaalaha deegaanka iyo hirgalinta mashaariicaha horumarineed ee ka jawaabaya baahida shacabka deegaanka
Comments are closed