Hadaba, Shirkan oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiinta xafiisyada horumarka, agaasimayaal iyo waliba xubno kasocday wasaaradaha bahwadaagta la’ ah ee heer-federal ayaa waxaa furitaankiisii kahadlay Kusimaha Wasiirka Xafiiska Horumarinta Waraabka iyo Dooxooyinka DDSI ahna G/wadeenka G/socodka Dajinta ee isla xafiiska mudane Farxaan Maxamed Aadan oo ugu horayn u mahadceliayay sida quruxda badan ee ay masuuliyiintu uga soo qaybgashay shirkan. Wuxuuna intaa kudaray in shirkani yahay mid lagu eegayo waxqabadkii 9 ka bilood ee dajinta iyo waliba sidii ay uga qaybqaateen xafiisyada horumarku. Wuxuuna tilmaamay kusimuhu in shirkani yahay mid loogu diyaar garoobayo fulinta qorshaha 2010 T.i islamarkaana ay xafiisyada bixiya adeegyada aasaasiga ah ugu sii diyaargaroobaan doorkooda kaga aadan. Maadaama oo sanadkan qorshuhu yahay in la dajiyo qoysas tiaradoodu kor u dhaafayso 15000.
Sidookale, shirkan ayaa waxaa si wayn uga dooday talo bixinana kasoojeediyay masuuliyiintii kasooqaybgashay
Iskusoowada duuboo, waxaa xusid mudan in taniyo intii labilaaay barnaamijkan dajinta ay kafiideen bulsho aad u farabadan oo aan helijirin nacfi beero iyo waliba adeegyadii aasaasiga ahaa ee aadamuhu ubaahnaa sida waxbarashada caafimaadka, iyo biyo nadiif ah. Wakhtixaadirkana ay aad ugu diirsadeen bulshadu.
Comments are closed