15 xubnood waxaa ka kooban Guddiga Qaran ee Taakulaynta Ciidamada, waxaana ay isugu jiraan Saraakiil Ciidan, Aqoonyahanno, Culimmo, iyo qaybaha kale ee bulshada.
Madaxwaynuhu waxa uu u magacaabay Jeneraal Axmed Jaamac Muuse Guddoomiye-ha Guddiga, Halka Shiikh Nuur Baaruud Gurxan loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeen.
Guddiga Qaran ee Taakulaynta Ciidamada:
1. Jen.Cabdulqaadir Cali Diini
2. Danjire Maxamed Xuseen Abuukar ( Awliyo )
3. Prof. Muuse Aadan
4. Maxamed Yuusuf jaamac ( Tigay )
5. Shukri Maxamed Afrax
6. Shiikh Abuukar Bashiir Shiikh Cabdullaahi
7. Shiikh Cali Maxamed Xasan ( Wajiis )
8. Cabdullaahi Calibaar Xoosh
9. Caasha Abuukar Qaasim
10. Abuukar Shiikh Cismaan
11. Suldaan Warsame Suldaan Ibrow Suldaan Caliyow
12. Bashiir Mursal Ciise Bootaan
13. Feysal Weheliye Macalin Cumar
Dhanka kale, Madaxyne Farmaajo ayaa u magacaabay S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac in uu noqdo la-taliyaha Madaxwaynaha JFS ee Arrimaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sidoo kale Madaxwaynuhu waxa uu u magacaabay xilka la-taliyaha Madaxwaynaha ee Arrimaha Doorashooyinka & Dimuqraadiyeynta Mudane Maxamed C/risaaq.
Wareegto kale oo ka soo baxday Madaxwaynaha ayaa waxa uu ku magacaabay Lataliyaha dhanka Amniga Qaranka oo loo magacabaay S/Guuto Axmed Shiikh Maxamed.
Comments are closed