Warbixintii uu baarlamanka ka hor akhriyey ayuu Fegessa ku sheegay in xaaladda nabadeed iyo tan ammaan ee dalka ay iminka horu-martay, inkasta oo walaacyo dhanka amniga ah ay weli ka jiraan qeybo dalka ka mid ah.
Xaaladda deg dega ah ayaa waxaa dalka Itoobiya lagu soo rogay 9-kii October ee sanaddii 2016 kadib markii qorshe la doonayey in lagu ballaariyo magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa uu dhaliyey dibadbaxyo isku rogay xadgudubyo siyaasadeed iyo kuwa ka dhan xuquuqda aadanaha.
In ka badan 600 oo qof ayaa lagu dilay qalaalasihii dhacay, waxaana lagu xiray in ka badan 21,000 oo qof. Wasiirka gaashaandhigga ayaa sheegay in 8,000 oo qof ay weli xabsi ku jiraan, waxaana lagu eedeeyey in ay galeen dambiyo intii rabshadaha ay socdeen.
Comments are closed