Waftigii Qurba joogta Ka Soo jeeday Gobolka Jarar Oo Booqday Mashaariico Horumarineed.

Jarar (estvlive) 04/08/2017

Waftigii qurba joogta u dhalatay DDSI ee ka soo jeeday gobolka jarar ee uu hogaaminayay hogaan ku xigeenka nabadgalayda maamulka iyo cadaalada DDSI mudane ibraahin maxamuud mubaarak ee socdaalka booqashada  ku marayay qaarka mid ah degmooyinka gobolka jarar iyo qoraxay ayaa sii wata socdaalkii ay ku soo indha indhaynayeen mashaaricaha horumarineed ee ay xukuumada DDSI ka hirgalisay qaar ka mid ah  degmooyinka hoos yimaada  gobolada Jarar iyo Qoraxay

 

Waftigan ayaa waxay socdaalkoodii ku gaadheen degmada gunagado halkaasi oo qaybaha kala duwan ee bulshadu si meeqaam sare ah ugu soo dhaweeysay, waxay booqdeen mashaariicaha waawayn ee ay xukuumada DDSI ka hirgalisay magaalada gunagado ee ay ka mid yihiin mashruuca ceelka biyaha looga galiyay magaalada gunagado oo ah ceel si casriya loogu sameeyay mishiin biyaha macaaneeya.

Hadaba, waftigan qurba joogta ah ayaa waxaa kale oo ka mid ahaa degmooyinka, tuulooyinka iyo mashaariicaha ay booqdeen ee sida balaadhan  loogu soo dhaweeyayxarunta wayn ee qaybisa biyaha mashruuca biyo-galinta  Birqod, Gunagada, Marsin, Dig ilaa Gaashaamo. Xaruntaasi  oo ku taala tuulada kontondheer. Waxaa kale oo ay booqdeen degmada Yoocaale, mashruuca biyaha looga galiyay degmada yoocaale ee ku taala dooxadaDhiya. sidoo kale  waftigan ayaa gaadhay magaalada awaare ee xarunta degmada awaare waxay booqdeen  soona indha indheeyeen mashaariicaha ay ka mid ka yihiin xarunta caafimaadka ee magaalada awaare, biyo xidhiceenka laga hirgaliyay isla degmada awaare oo ay wakhti-xaadirkan qaybaha kala duwan ee bulshadu uga faa’iidaysanayaan dhinaca wax soo saarka beeraha, waxaa kale oo ay booqdeen ceelbiyoodka (riiga)oo ay wakhgigii abaaraha xukuumada DDSI xadhiga ka jartay kaasi oo daboolay baahidii dhinaca biyaha xiligii abaarta jirtay. Sidoo kale waxaa ka mid ahaa tuulooyinka ay ka  booqdeen tuulada bugdhaba, gurdumi iyo guracan iyo mashaariicaha laga hirgaliyay tuulooyinkaasI.

Intaasi ka dib, waftigan ayaa gaadhay xarunta degmada dig ee magaalada dig halkaasi oo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan dig iyo maamulka degmada dig kusoo dhaweeyeen, waxaana halkaasi kula hadlay bulshada Hogaan-kuxigeenka nabadgalyada maamulka iyo cadaalada DDSI mudane Ibraahim Maxamuud Mubaarak oo sheegay in dadaalkii dheeraa ee ay xukuumada DDSI u gashay sidii loo hirgalin lahaa xidhiidh saxar tiran oo ka dhexeeya qurba joogta DDSI iyo xukuumada DDSI tahay tan maanta keentay in ay qurba joogta u dhalatay gobolka jarar ee ka kala timiday qaaradaha aduunku in ay indha-hooda ku soo arkaan isbadalka nolosha bulshadooda islamarkaana soo booqdaan mashaariicaha horumarineed ee laga hirgaliyay degmooyinka gobolka jarar.

Dhankooda, qaarka mid ah waftigan qurba joogta ah oo ka hadlay goobtaasi ayaa ugu horayntii u mahad celinayay qaybaha kala duwan ee bulshada ee goobta ay gaadhaanba sida muga leh  ugu soo dhawaynayaan, waxayna sheegeen in ay soo arkeen isbadal horumarineed ee nolosha bulshada ay gaadhay sanadihii ugu danbeeyay iyaga oo sheegay in ay arkeen bulsho noqotay xoolo dhaqato beeralay taasina ay kor u qaaday nolosha bulshada xoolo dhaqatada ah iyo kuwa xoolo dhaqato beeralayda ah.

Sikastaba ha ahaatee, waftigan ayaa si toos ah bulshada uga warbixinayay mashaariicaha waawayn ee laga hirgaliyay deegaanka taasi oo ay si wayn ugu mahad celinayaan xukuumada hirgalisay mashaariicahan. Waxayna is barbar dhigeen farqiga u dhexeeya nolosha ay ku nooloyd bulshadu 10 sano ka hor, xiligaasi oo ay shacabka dhiiga ka jaqayeen hadhaagii UBBO iyo nolosha horumarineed iyo nabadgalyo ee ay maanta ku nool yihiin bulshada ku dhaqan degmooyinkan ay booqanayeen waftigu.

Comments are closed