Madaxweyne Trump ayaa mar hore oo uu ka hadlayey arrintan dhaliilay Sessions kuna tilmaamay “qof aad u jilicsan”.
Xeer ilaaliyaha guud oo shir jaraa’id ka hadlay aya sheegay in aan dawladina si habsami ah u shaqayn karin hadii hogaamiyeyaasheedu aanay si xor ah oo kalsooni leh ula hadli karin hogaamiyeyaasha dalalka kale.
“Waxaan arintaa ku raacsanahay madaxweynaha si adagna waan u dhaleecaynayaa tiradan sii kordhaysa ee qoraallada sirta ah ee lafaafiyey ah, waana mid wiiqaysa kartida dawladeena ee ilaalinta dalkan” ayuu Sessions warfidiyeenka ku yidhi.
Xeer ilaaliyaha guud waxa kale oo uu sheegay in uu doonayo in dib loo eego siyaasadaha xukuumadda ee maxkamad uga yeedhidda warbaahinta ee warfidiyeenka fara in ay sheegaan halka ay xogta ka heleen, si buu yidhi loo dheeli tiro doorka warbaahintu ku leedahay ilaalinta nabadgelyada qaranka.
Comments are closed