Cabdiraxmaan Xoosh Jibril ayaa Xildhibaanada u sheegay in uu horey uga tirsanaan jirey Baarlamaanka, oo uu ku soo korey dowladnimo, sidaas darteed haddii uu ogyahay xiisadda intaas le’eg in ay baarlamaanka ka abuureyso in aanu soo qoreen qoraalkaas.
Qoraalka Xoosh Jibriil ayaa ahaa keliya in aan Baarlamaanku awood u lahayn in uu wax ka beddelo go’aanka Maxkamadda sare ee ay waxba kama jiraan ka soo qaadey 8 Xildhibaan oo kamid ah kuwoo ku soo baxay doorashadii loogu magacdarey mid dadban.
Xildhibaanadu waa ka aqbaleen raaligelinta Xoosh ka bixiyey hadalkiisi fikirkiisa ku dhisnaa ee aan ka tarjumeyn kan xukuumadda ee uu Twitterka ku qoray.
Xiisadan ayaa soo martey heerar kala duwan, Baarlamaanka ayaa u yeeray Wasiirka dastuurka bishii hore, Wasiirka ayaa cudurdaar xanuun ah bixiyey, Xildhibaanada ayaa oggolaan waayey cudurdaarka, Kooramkii ay doonayeen in ay uga hadlaan kalsooni kala noqoshada ayaa buuxsami waayey, waxaa soo dhexgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda arrinta. Waxaa la aaminsan yahay in xiisadan ay sii xoojisey khilaaf iyo kal,a fogaansho shakhsiyadeed oo u dhexeeyey Xoosh iyo Jawaari.
Comments are closed