Saldhiga ayaa waxaa sidoo kale isticmaali doona ciidamada ammaanka iyo kuwa military-ga ee dowladda Turkiga.
Ku dhowaad 200 askari oo ka socda dalka Turkiga ayaa hadda jooga Soomaaliya, kuwaas oo ciidanka Soomaaliya ka caawinaya tababarrada iyo farsamooyinka kale ee dhinaca ciidanka balse lama xaqiijin karo marka saldhiga military la dhameeyo haddii ay ku lug yeelan doonaan howlgalladda dagaal iyo in kale.
Safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Bekar oo waraysi siiyay Jariirada Daily Sabah ayaa sheegay in bisha September si rasmi ah loo furi doono saldhiga militari ee Turkigu ka hergaliyay Muqdisho, islamarkaana la bilaabi doono tababarada la siinayo ciidamadda Soomaalida ah.
Saldhiga ayaa waxaa uu qaadi karaa 1,500 oo askari, waxaana uu noqonayaa saldhiga ugu weyn ee dowladda Turkiga ay ku yeelato wadamada dibadda
Dowladda Turkiga ayaa aad u daneysa arrimaha Soomaaliya, waxaana sanadkii 2016 ay magaalladda Muqdisho ka furatay safaaradeeda.
Comments are closed