Dowladda oo wadda qorshayaal lagu hormarinayo dhaqaalaha dalka

Muqdisho (estvlive) 05/08/2017

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka xukuumada Soomaaliya Mahad Maxamed Guulleed ayaa sheegay in si loo hormariyo dhaqaalaha dalka dowladda ka hortagi doonto leexsashada dakhliga soo galla dalka.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka ayaa intaa ku darray in xukuumada xoogga saari doonto hormarinta wax soo saarka dalka iyo waxyaabaha ay dibada u dhoofiso, taasoo qeyb ka ah barmaajiyada lagu hormarinayo dhaqaalaha iyo in dalku isku filnaasho gaaro.

Dhawaan ayeey aheyd markii magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shir uu soo qaban-qaabiyay Bankiga aduunka oo looga hadlayay sida loo hormarin karo dhaqaalaha iyo dakhliga Soomaaliya, iyadoo dhinaca kalana kulanka leysku dhaafsaday warbixinno la xiriira heerka uu maarayo dhaqaalaha dalka.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in si gaar ah dowladdu ula socon doonto dakhliga ka soo xarooda dekedda iyo garoonka diyaaaradaha magaalada Muqdisho oo ah labada Il dhaqaale ee ugu weyn dalka, islamarkaana dowladdu ku diirsan tahay.

Dowladda Soomaaliya ayaa wadda dadaallo kala duwan oo lagu xaqiijinaayo ka hortagga musuq maasuqa iyo sidoo kale kordhinta dakhliga Soomaliya.

Comments are closed