Maxkamadda ayaa maanta sheegtay in ragga la xukumay ay ka tirsanyihiin Xarakadda Al Shabaab.
Magacyada saddexda qof ee Maxkamadda xukunada ay ku riday ayaa waxaa lagu kala magacaabaa, Maxamed Aada Cali Booroow, Soomoow Cali Aadan iyo Xasan Cabdullahi Ibraahim.
Mid kamid ragga maanta la xukumay ayaa waxaa lagu eedeeyay in uu horay magaalladda Baydhabo ugu dilay Sheekh Madeer Madgaab Caliyoow.
Sheekha ayaa waxaa la dilay isaga oo ku jira salaadii Taraawiixda ee bishii Ramadaan, sida uu sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida Liibaan Cali Yarow.
Guddoomiyaha Maxakamadda ayaa sheegay in Maxamed Aada Cali Booroow, lagu xukumay dil toogasho halka Soomoow Cali Aadan iyo Xasan Cabdullahi Ibraahim iyagana lagu xukumay xabsi daa’in.
Comments are closed