Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Degmada Beledxaawo oo xabsi laga sii daayay

Baladweyne (estvlive) 06/08/2017

Guddoomiyaha degmada Beledxaawo, ku-xigeenkiisa iyo sidoo kale taliyaha saldhigga booliiska degmadaasi Diyaad Cabdi Kaliil, ayaa lasoo sheegayaa in xabsiga laga sii daayay.

23-ka bishii July ee sanadkan 2017, Afar qof oo ciidamada Jubbaland kusoo xireen saldhigga B/xaawo ayaa habeen madow waxaa la baxay ciidamo ka tirsan isla maamulka degmadaasi, kuwaasi oo toogtay dhammaan raggaasi.

Mas’uuliyiinta lasii daayay ayaa qaarkood waxaa lagu xukumay iney bixiyaan Magdhowga Labo kamid ah raggii dhawaan lagu dilay degmadda B/Xaawo.

 

Intaasi kadib ayaa qaar ka tirsan mas’uuliyiinta maamulka degmada B/xaawo, waxaa loo taxaabay xabsi, waxaana dhawanadii lasoo dhaafay socday kulamo gooni gooni ah.

Maxkamadda ciidamada Jubbaland, ayaa ugu dambeyn xabsiga kasii deysay mas’uuliyiin.

Dilkii loo geystay maxaabiis ayaa waxaa aad u cambaareeyay xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubaland ee Soomaaliya.

Comments are closed