Dagaal xalay ka dhacay degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose

Marka (estvlive) 06/08/2017

Dagaal culus oo u dhaxeeya labo maleeshiyo ayaa xalay ka dhacay degmda Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose, iyadoo dhincyada iska soo horjeeda isku hayaan maamulka magaalada.

Goob joogayaal ku sugan magaalada Marka ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka oo bilaawday fiidnimadii xalay uu soo gaaray ilaa saqdii dhexe oo la maqlayay dhawaqa hub kala duwan oo ay is weydaarsanayeen dhinacyada iska so horjeeda.

Dagaalkii xalay ayaa ahaa mid labada dhinac ay isu adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana shacabka deegaanka ay goor hore ka barakaceen, halka kuwa kale ay ku go’doonsan yihiin guryahooda.

Xaalada degmada ayaa saakay degan, hasse ahaatee wali waxaa jirta xiisad u dhaxeysa labada maleeshiyo beelleed iyadoo dadka magaalada ay mar walba dagaal filan karaan.

Beellaha dagaalamaya oo coladoodu soo jiitameysay shantii sano ee ugu danbeysay ayaa isku haya awooda maamulka duwan oo ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose.

Comments are closed