Xildhibaanadda golaha Wakiiladda Soomaaliland oo maanta doortay gudoomiye cusub

Hargeysa (estvlive) 06/08/2017

Kalfadhigii maanta ee golaha wakiiladda ayaa lagu doortay gudoomiyaha cusub ee golahaasi, kaasi oo loo doortay Baashe Maxamed Faarax oo hore u ahaan jiray gudoomiye ku xigeenka 1aad oo isna maanta xilkaasi iska casilay.

Fadhigan maanta waxa shirgudoominayey gudoomiye ku xigeenka 2aaad ee golahaasi Cali Aw Yuusuf, waxaana golaha u sheegay in ay gudoomiyaha u tartamayaan laba xildhibaan oo kala ah Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle iyo xildhibaan Baashe Maxamed Faarax.

Labadan musharax ayaa midkiiba la siiyey shan daqiiqo oo uu xildhibaanadda khudbad u jeediyo, intaas ka dibna waxa cod gacan taag ah loo qaaday labadda musharax, kuwaas oo ku kala badiyey hal dheeri.

Guud ahaan tiradda xildhibaanadda ee hoolka iska soo xaadirisay waxay dhamayd 78 xildhibaan, waxaana xildhibaan Baashe Maxamed Faaraxuu helay 39, halka xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle uu helay 38 cod, waxaanay is dheeraayeen hal cod.

 

Doorashadda gudoomiyaha golaha wakiiladda waxa tartan xoog lihi ku dhexmaray labadda xisbi ee KULMIYE iyo WADANI oo kala watay labadda musharax, waxaana halkaasi faro cididood ku raacday guushu xisbiga kulmiye.

Waxa xusid mudan xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo isna musharax ahaa oo ka soo jeeday xisbiga kulmiye waxa uu u tanaasulay C/raxmaan Talyanle oo xisbiga WADANI ka soo jeedday, waxaanu sheegay inay isku deegaan yihiin, sidaas darteedna isagoo KULMIYE ah uu codka siiyey xildhibaan Talyanle.

Gudoomiyihii hore ee golaha Wakiiladda C/raxmaan Cirro oo isna wali iska casilin xildhibaanimadii ayaa codka siiyey Xildhibaan Talyanle oo xisbiga WADDANI ka soo jeedda, waxaanu ka codeeyey saaxiibkiisa ay shirgudoonka wada ahaan jireen ee Baashe Maxamed Faarax oo ay is garab fadhiyaan maanta.

 

Doorashadan gudoomiyaha ayaa maanta u dhacday si dimuqraadiyadda, waxaana labadda musharaxa ee u tartamayey jagadda gudoomiyenimadda isku hambalyeeyeen.

Dhinaca kale, kursiga ku xigeenka 1aad waxa isku sharaxay toddoba xildhibaan waxaana loo balamay maalmaha soo socda.

Comments are closed