Shan qof oo lagu dilay kaniisad ku taalla dalka Nigeria

Nigeria (estvlive) 07/08/2017

Ugu yaraan shan qof ayaa lagu dilay toogasho ka dhacay kaniisad ku taalla koonfur-bari dalka Nigeria, sida saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ay sheegeen.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in shan qof oo hubeysan ay weerar ku qaadeen kaniisada St.Philip’s church oo ku taalla deegaanka Ozubulu oo ku dhow magaalladda Onitsha.

 

Kooxdii weerarka qaaday ayaa bilaabay in ay rasaas ku furan dadkii ku cibaadeysanayay kaniisada.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada weerarka.

Boolisku waxay sheegeen in toogashadani daba socotay khilaaf dhex maray dad ka soo jeeda deegaanka Ozubulu oo dalka dibadiisa ku nool.

Taliyaha booliska gobolka Anambra, Garba Umar, ayaa warbixin ku sheegay in mid ka mid ah qurbe joogta Nigeria dhisay kaniisada St Philip’s Catholic Church. Waxaanu hadalkiisa uu ku daray in ay weerarka qaadeen dad ka tirsan bulshada deegaankaa degan.

Dalka Nigeria ayaa waxaa dagaal kulul ku haya kooxda Boko Xaraam, waxaana ay dilal iyo qaraxyo ay ka fuliyaan guud ahaan dalkaasi.

Comments are closed