Mr. Cedric Herrou ayaa ah nin beeraley ah oo ku nool deegaanka buuraleyda ah ee Alps ee loo yaqaan Roya valley oo u dhaw xaduuda dalalka France iyo Italy.
Ninkan ayey xeer illaalinta France ku eedeysay inuu caawiyey qaxooti badan oo ka yimid dalka Italy, isagoona u fududeeyey inay soo galaan gudaha wadanka Faransiiska. Wuxuu siiyey goob ay seexdaan oo uu uga sameeyey beertiisa, isla markaana wuxuu gaarigiisa kusoo qaaday qaxooti badan oo uu soo geliyey gudaha France.
Wuxuu ninkan sheegay inuu qirsan yahay falkan uu sameeyey isagoona sheegay inuusan wax raali gelin ah ka bixin doonin uuna ku faraxsan yahay inuu caawiyo dadka Tahriibayaasha ah ee dhibaateysan.
“…Waa xil Bini’aadamnimo oo isaaran inaan dadkan u badan dhalinyarada caawiyo, kuwaasi oo dhibaato ka qabsada marka ay kasoo tilaabayaan xaduuda France iyo Italy, waxaana jira kuwo naftooda ku waayey socdaalkaasi, rafaadkan iyo dhibaatada heysata maaha mid aan ka aamusi karo waxaana go’aansaday inaan gacanteyda wax uga bedalo xaalada…†ayuu yiri ninkan oo sheegay inuu ku faraxsan yahay caawinta dadka dhibaateysan.
Maxkamada ayaa ku xukuntay 4 bilood oo xabsi ah, walow laga daayey in xiligan uu xabsiga galo, waxaana looga digay inuu joojiyo falkan oo ka horimaanaya sharuucda u yaal dalkaasi.
Xeer illaalinta France ayaa sheegtay in ninkan uu si farsameysan u isticmaalayey sharci lasoo saaray sanadkii 2012 oo xasaanad siinaya dadka sharciga jabiya iyagoo caawin bini’aadamnimo u fidiya dadka gargaarka u baahan, isla markaana uu sharcigaasi uu ka dhigtay xijaab uu uga gaashaanto in xabsiga uu galo.
Sadex jeer oo kala duwan ayaa ninkan loo xiray arrimaha caawinta dadka qaxootiga ah, waxaana uga danbeysay bishii lasoo dhaafay.
Comments are closed