Jasiirada Guam ayaa ah dhulka ugu dhaw ee Maraykanka ka taliyo oo u dhaw dalalka Kuuriyada, waxaana halkaasi saldhig aad u weyn ku leh ciidamada cirka ee Maraykanka.
Isniintii lasoo dhaafay ayey markale diyaarado wax duqeeya ee uu Maraykanka leeyahay kasoo duuleen jasiirada Guam kuwaasi oo dhoolatus ku sameeyey nawaaxiga Kuuriyada Waqooyi.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa shalay mar uu saxaafada la hadlayey sheegay in Kuuriyada Waqooyi maalmihii lasoo dhaafay ay waday hanjabaad ku aadan Maraykanka, balse Maraykanka uu “Dagaal iyo Burburin†aan adduunka horey usoo marin uga jawaabi doono hanjabaada K/waqooyi hadii aysan joojin waxa ay wadaan.
Arrintan ayey iyaguna kuuriyada Waqooyi uga jawaabeen inay bada la simi doonaan jasiirada Guam oo ay sheegeen inay si fudud u gaaraan gantaaladooda ridada dhexe.
Guddoomiyaha ama hogaamiyaha jasiirada Guam Eddie Baza Calvo oo shacabkiisa kala hadlay warbaahinta isagoo ka jawaabaya hanjabaada dhulkiisa uga timid Kuuriyada Waqooyi ayuu sheegay in jasiirada Guam ay qeyb ka tahay dhulka Maraykanka hadii lasoo weerarona ay la micno tahay iyadoo la weeraray dhulweynaha Maraykanka. Wuxuu sheegay in uu khadka telefonka kula hadlay Aqalka Cad isla markaana ka wadahadleen hanjabaada kuuriyada Waqooyi uga timid.
Trump ayaa u muuqda inuu la tirsanayo Xukuumada Kuuriyada Waqooyi oo iyadu caado u ahayd hanjabaadooda ku socota Maraykanka, balse hadalada Donald Trump ayaa ah hanjabadii ugu adkeyd oo kasoo yeerta Madaxweyne Maraykan ah.
Dad badan ayaa ka cabsi qaba hanjabaada ay Trump iyo Kim Jong-Un is dhaafsanayaan in ay faraha ka baxdo oo ay dunnida geliso dagaal saameyn xun caalamka ku reeba. Trump ayaa isaga lagu yaqaan hadalada qalafsan walow siyaasiyiinta Maraykanka qaarkood ugu baaqeen inuu ka fiirsado hadaladiisa
Comments are closed