Guddiga doorashada Kenya oo beeniyay in Kombuterada la jabsaday

Kenya (estvlive) 10/08/2017

Guddiga doorashada Kenya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeyn ka timid dhinaca hogaamiyaha mucaaradka dalka Kenya Raila Odinga oo sheegay in jabsaday Kombuterada doorashada.

Madaxa fulinta guddiga doorashada Kenya, Ezra Chiloba, ayaa sheegey in hannaanka combuuterada ee guddiga aan loo dhicin saacada kadib markii guddoomiyaha guddigaasi uu sheegay in eedeyntaasi baaritaan lagu sameyn doono.

Chiloba, ayaa sheegey in natiijooyinka hadda lasoo gudbiyey aysan ahayn kuwa rasmi ah, kuwa rasmigana ay yihiin kuwa ku qoran foomamka gacanta ku qoran ee laga soo gudbin doono goobaha codka laga dhiibtey.

Wax yar ka dib markii uu Raila diiday natiijooyinka hordhaca ah ayaa rabashado goos goos ah waxa ay ka dhaceen xaafad ka mid ah magaalada Nairobi iyo Kisumu.   Â

Wali lama hayo natiijada rasmiga ah ee doorashada hasse ahaatee warar hor dhaca ah oo soo baxay ayaa sheegaya in in boqolkiiba 91 Mr Kenyatta uu ku hogaminayo 54.5 boqolkiiba, halka Mr Odinga uu haysto boqolkiiba 44.6.

Comments are closed