Wasiir Ku Xigeenka Waxbarshada DDSI Oo Ka Warbixiyay Guulaha Laga Gaadhay Tayaynta Waxbarashada Deegaanka.

Jigjiga (estvlive) 14/08/2017

Wasiir ku xigeenka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Maxamuud Axmed Nuur oo xafiiskiisa ugu waramayay warbaahinta deegaanka ayaa ka warbixiyay guulaha laga soo hooyay qorshihii sanadka 2009TI ee ku salaysnaa dhinaca kor u qaaditaanka tayada waxbarashada deegaanka .

 

Wasiirku xigeenka ayaa sheegay in bilowgii qorshihii   sanad dugsiyeedka  2009TI uu  xafiiska waxbarshada DDSI   dajiyay  tabo iyo xeelado suurta galinaya gaadhida iyo ka midho dhalinta natiijada qorshaha taasi oo sal looga dhigay iskaashiga bahda waxbarashad iyo baw-wadaagtooda iyada oo si gaar ah diirada loo saaray iskaashiga joogtada ah ee ay leeyihiin  xafiiska waxbarashada, macalimiinta ardayda  iyo waalidiinta ardayda   taasi ayaa suurta galisay ayuu yidhi wasiir ku xigeenku in dhamaanba qaybaha kala duwan ee waxbarshada  sidii uu qorshuhu ahaa loo fuliyo lana gaadho natiijo wax ku ool ah.

Wasiir ku xigeenka oo hadalkiisa siiwata ayaa tilmaamay in ka guul gaadhida qorshihii sanadkii 2009it ee dhinaca  tayada baris barasho ay ka  mid ahaayeen  in dhamaan dugsiyada deegaanka gaar ahaan kuwa ku yaala degmooyinka iyo  tuulooyinka DDSI ee ay wakhtiyadii hore ku yaraayeen macalimiintu in bilowgii sanadkan  la daboolay baahidii dhinaca barayaasha iskuulada iyada oo  lagu xoojiyay macalimiin tayo aqooneed leh. sidoo kale waxa xooga la saaray ayuu yidhi wasiir ku xigeenku in la soo saaro manhajka  waxbarashada  oo tiro iyo tayaba leh kaas oo kor u qaaday  tayada waxbarashad deegaanka. Wasiir ku xigeenka ayaa intaasi ku daray xooga la saaray laguna guulaystay  in abaartii ka dhacday   qaarka mid ah gobolada iyo degmooyinka deegaanka darteed uuna ardayna u joojin waxbarashada iyada oo dhamaan dugsiyad ku yaala degmooyinka abaaruhu saameeyeen laga bilaabay quudinta laguna guulaystay in uuna ardayna u joojin/ u loox-tuurin  abaarta darteed.Sidoo kale waxa uu sheegay wasiir ku xigeenku in guulaha laga gaadhay qorshihii sanadkii 2009TI   ay tahay ta ka muuqata guusha ay ardaydii  deegaanku ka soo hooyeen natiijada imtixaanaadkii heer qaran ee dugsiyada sare  oo guud ahaanba ardayda deegaanka ka soo hoysay natiijo sare.

Ugu danbayntii waxa uu sheegay wasiir ku xigeenku in sanadka cusub ee 2010TI  uu xafiiska waxbarashada DDSI xooga saarayo sidii uu u xaqiijin lahaa   taamyeelida tayada waxbarashada iyada oo xooga la saarayo waxyaabaha gashiga u ah tayada waxbarashada sida in la daboolo baahida dugsiyada, tan macalimiinta oo sanadka qorshuhu yahay in dhamaan macalimiinta deegaanka la daboolo baahidooda iyada oo loo dhisayo guryo waxaa kale oo la  suurta galinayaa  sidii ardayda iyo macalimiinta looga xaqabtirilahaa helidaanka aaladaha casriga ah waxaa kale oo aan xooga saaraynaa ayuu yidhi  wasiir ku xigeenku kor u qaaditaanka ka qaybgalka waxbarashada  dumarka  iyo tayaynta indaamka baris barasho ee dugsiyada deegaanka si looga guul gaadho xaqiijinta tayada waxbarashada deegaanka

Comments are closed