Madaxweyne Cabdi oo Abaal-marin Lagu doonsiyay Warbixin+Sawirro

Addisababa (estvlive) 15/08/2017

Waxaa  Abaalmarin Aad Uheersaraysa Lagu Gudoonsiiyay Machadka Tababarka Hogaaminta Sare Ee Malas Academy XDSHSI waxaana goobjoog ahaa dhamaan Hogaaminta Sare Ee Xisbiga bahwadaagta nahay ee EPRDF Abaalmarinta ayaa Waxaa XDSHSI Ugudoomay Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar

 

Maalmo kahor ayay ahayd Markii Madaxweyne Cabdi uu soojeediyay Dood Cilmiyeed Uu kadiyaariyay Degaanada Bahwadaagta la ah xisbiga EPRDF Gaar ahaan Taariikhda Degaanka Somalida Itoobiya iyo isbadaladii Siyaasaded ee soo maray iyo Halgankii Uu ku abuurmay XDSHSI Hadaba Kadib Dood Cilmiyeedka Waxaa Xisbiga Loo aqoonsaday Xisbi Sidhaba Uga soo baxay Masuuliyadii Shacabku udhiibtay Guulo lagu diirsado oo isdaba joog ah Dhinacyada Horumarka, Nabadgalyada, Xidhiidhka_Dadwaynaha dal iyo dibad, iyo Maamulka suuban Iyo Sidoo kale Doorkii Geesinimada ahaa ee Uu xisbiga XDSHSI iyo Xukuumada DDSI Kaqaadatay Badbaadada Dastuurka iyo Nidaamka Federalismka ah ee Itoobiyada Cusub Xiligii ay dhaceen Rabshadihii Khatarta Galiyay Jiritaanka Dalka ee ay sababeen Kacdoonkii Sharcidarada ahaa ee Ujeedadiisu ahayd In Meesha lagasaaro Nidaamka Federalismka oo ah Mid 100% Sugay Xaqii iyo Xuquuqdii ay lahaayeen Qoomiyadaha, shucuubaha iyo Dadyawga Reer itoobiya.

Wuxuuna Noqday Deegaanka Somalida Itoobiya Deegaanka kaliya ee Sicad Dal iyo Dibadba Uga horyimid Kacdoonadii at wadeen Nabadiidka Aragtida Cidiidhi ah aaminsan iyo islawayni Rabitaankoodu yahay Soo cilanta Nidaamyadii Hore Ee Cadaadiska Dhargigii ee la Soo maray Dalka Waxaana Laysla qaatay in Xisbigu Yahay Hormuud islamarkaana Waxbadan laga bartay Dood cilmiyeedkii Uu soojeediyay Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar Maadama Doodcilmiyeedku ahaa Mid ku salaysnaa Oo ay Dhamaanba Kamarag qaati kaceen Wasiiradii Federalka Ee kusugnaa Goobtaasi Hada kadibna ay Muhiim tahay in Xisbigu wax kadiyaariyo Tababarada Lasiinayo Hogaaminta Sare

Hadaba XDSHSI iyo Hogaamintiisa Sare Ayaa Waxaa looqaatay inay Tusaale Wanaagsan Uyihiin Xisbiyada kale ee dalka Waxaana Sigaara Looxusay inlagaga daydo XDSHSI Dhinacyada Gacan ku haynta Shacabka, Natiijoyinka ay kasoohoyiyeen Dhinacyada Biyaha, Jidadka Buundoyinka Kajawaab bixintii Abaartii Dhawaan kadhacday Deegaanka, Caafimadka, waxbarashada, shaqo-abuurka, Kor uqaadida iyo Doorka_Haweenka ee Dhinaca Siyaasada iyo Dhaqaalaha iyo Sidookale Kago’naanshaha Hogaaminta Sare ee Xisbiga oo ah Hogaamin ku sifawday Lahaanshaha Aragti Shacab, Kajawaabida Baahida Dhabta ah ee Shacabka

Ugu Dambayntii Waxaana sigaara Looga shanqadhiyay In Lagaga daydo Tabta iyo Xeeladaha Fulineed ee ay Umareen Natiijooyinka Dhabta ah ee ay Mudada Gaaban Gudaheed Ku gaadhsiiyeen Shacabka Deegaanka Deegaanadii Waawayna Ee inta Isbadalka itoobiyada Cusub timid oodhan kafaa’iidaysanayay islamarkaana Waxyaabaha Qaarkood Gaadhsiiyay in ay Deegaanadii Waawaynaa laftoodu waxkabartaan

Comments are closed