Maxkamada Caalamiga ICC oo amartay in lasoo xiro Hogaamiye kooxeed Liibiyaan ah

Libya (estvlive) 16/08/2017

Maxkamada Caalamiga ah ee danbiyada dagaalka ee ICC oo fadhigeedu yahay dalka Holland ayaa soo saartay amarkii ugu horeeyey oo lagu soo xirayo mid kamid ah hogaamiye kooxeedka ka qeyb qaadanaya dagaalka ka socda dalka Liibiya.

Mahmoud Mustafa Busayf Al-Werfalli ayaa loo heystaa xasuuqyo ka dhacay magaaladaa labaad ee Liibiya Benghazi, halkaasi oo la sheegay in ciidamadiisa xasuuq ka geysteen iyo waliba inuu gacantiisa ku dilay dad.

Dacwadan ayaa waxaa qeyb ka ah cadeynmo ay ku jiraan filimaan laga soo duubay dilalka uu geystay ninkan.

Danbiyada dagaalka ee loo heysto ninkan ayaa la sheegay inay dhaceen sanadkii hore 2016 iyo sanadkan 2017.

Hogaamiyahan Al Werfalli ayaa kamid ah saaxiibada dhaw ee Jeneraal Khalifa Haftar oo isagu taageerada militari ka hela dalalka xulafada Sacuudiga kamid ah ee Masar iyo Imaaraatiga.

Comments are closed