Weerarkan ayaa waxaa ka badbaaday labo askari oo kale oo mid uu dhaawac yahay.
Ciidamada Kenya ayaa sheegay inay hawlgalo cirka iyo dhulka ah saameeyeen kadib weerarkan, iyagoo ku raad jooga kooxda falkan geystay balse ma sheegin halkii ay ku danbeeyeen kooxda la rumeysan yahay inay ahaayeen dagaalyahanada Al Shabaab.
Maalin kahor ayey koox kale oo Al Shabaab ah rasaas ku fureen gaari kale oo bas ah oo ka yimid magaalada Milindi kuna siijeeday Lamu, weerarkaasi oo ay ku dhinteen 3 qof oo rayid ah.
Comments are closed