Gudoomiye Ku Xigeenka Jaaliyada DDSI Ee Wadanka Belgium Oo Lagu Soo Dhaweeyay Jigjiga

Jigjiga (estvlive) 16/08/2017

Waxaa  lagu soo dhaweeyay garoonka caalamiga ah ee garaad wiil waal airport ee magaalada jigjiga gudoomiye ku xigeenka jaaliyada DDSI ee wadanka Belgium   ahna mulkiilaha shabakada wararka ee Raasonews mudane Maxamed Badri Macalin

 

waxaana, si qurux badan ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha qaarka mid ah masuuliyiinta xukuumada DDSI oo ay ka mid yihiin maareeyaha wakaalada Arimaha  xidhiidhka qurba joogta DDSI mudane Badri Yuusuf iyo maareeye ku xigeenka ururka horumarinta soomalida itoobiya mudane Cabdilaahi Maxamed Cabdi (dhagalaab).

Soo dhawayn ka dib gudoomiye ku xigeenka jaaliyada DDSI ee wadanka belgium mudane Maxamed Badri macalinayaa qolka nasashada ee madaarka kula hadlay warbaahinta deegaanka  isaga oo  siwayn ugu mahad celiyay soo dhawaynta meeqaamka sare ah ee ay xukuumada DDSI ugu soo dhawaysay deegaanka  wuxuuna ku amaanay xukuumada DDSI iyo shacabka deegaanka guulaha laga soo hooyay dhinacyad horumarka nabadgalyada hirgalinta kaabayaasha dhaqaalaha deegaanka iyo hirgalinta xidhiidhka saraxka tiran ee ay xukuumada DDSI la leedahay qurba joogta DDSI.

Ugu danbayntii gudoomiyaha jaaliyada DDSI ee Belgium ahna mulkiilaha shabakada Raasonews ayaa ah  ah xubin xubin qurba joog ah fir-fircoon islamarkaana    kaalin mug leh ka qaata hirgalinta qorshayaasha horumarineed gaar ahaan dhinaca warbaahinta deegaanka,  gudbinta iyo  soo bandhiga xogaha horumarineed ee deegaanka.

Comments are closed