Madaxwayne ku xigeenka ayaa sheegtay in xukuumada DDSI sanadihii ugu danbeeyay dajisay qorsheyaal cilmiyaysan iyo istaraatajiyado lagu gaadhayo wadamada dhaqaalahoodu meel dhexaadka yahay sidoo kalena lagu tir tirayo saboolnimada iyo shaqo la’aanta taasi oo sal looga dhigay hirgalinta iyo xoojinta nidaamka wax soo saarka beeraha oo casriya iyada oo lagu hagayo nidaamka warshadaha oo ah tubta lagu gaadhayo horumar waara joogtaysan oo aan soo noqod lahay, madaxwayne ku xigeenka ayaa sheegtay in la xoojiyay awooda fulineed ee geedi socodka lagu gaadhayo natiijooyinka wax ku ool ka ah.
Madaxwayne ku xigeenka ayaa sharax dheerka bixisay fulinta iyo meelmarinta qorshihii u dajisnaa xafiiska beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah ee DDSI gaar ahaan nidaamka fidinta wax soo saarka beeraha oo ay qorshaysnayd in sanadka 2009TI la abuuro dhul beereed dhan 801,481 hector taasi oo lagu guulaystay in la abuuro 709,977 hector taasi oo u dhiganta in qorshihii la fuliyay 88.6%. sidoo kale waxaa la sameeyay ayay tidhi madaxwayne ku xigeenku daraasaadyo ku taxa-luqa noocyada carada deegaanka si loo xaqiijiyo nooca wax soo saarka goobkasta ku haboon deegaanka sidoo kale waxaa la qaybiyay lana gaadhsiiyay goobkasta ayay tidhi madaxwayne ku xigeenku noocyada kala duwan ee abuurka wax soo saarka beeraha oo tayada leh iyada oo dhinaca kale tababaro kor loogu qaadayo garaadkooda aqooneed la siiyay xirfadlayaasha fidinta beeraha dhinaca kalena sanadkii 2009IT la soo iibiyay 5 mishiin oo ah miinada waawayn ee casriga ah ee lagu gooyo sareenka, sinsinta, galayda iyo calafka xoolaha
Madaxwayne ku xigeenka oo sheegay in dhamaanba qorshayaashii u dajisnaa xafiiska laga soo hooyay guulo waawayn oo gashi u ah fidinta wax soo saarka beeraha. Waxayna sheegay madaxwayne ku xigeenku in qorshaha cusub ee 2010TI diirada lagu saarayo xaqiijinta wax soo saar taya leh islamarkaana gaashaan u noqda xaalada abaaraha ee keenta cunta yaraada iyada oo laga faa’iidaysanayo khayraadka deegaanku hodanka ku yahay sida ka faa’iidaysiga Wabiyada deegaanka, mashaariicaha biyo xidheenada waawayn ee ay xukuumada DDSI hirgalisay iyada oo dhinaca kalena xooga la saaraya sidii loo soo saarilahaa calafka xoolaha . madaxwayne ku xigeenka ayaa intaasi ku dartay in sanadkan la sii xoojindoona soo iibinta iyo qaybinta agabyada casirga ah ee loo adeegsado wax soo saarka beeraha oo ay ka mid yihiin cagaf-cagafyadu kuwaasi oo la gaadhsiindoono degmooyinka deegaanka.
Ugu danbayntii madaxwayne ku xigeenka DDSI ayaa fariin u dirta qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka taasi oo ah in xooga la saaro wax soo saarka beeraha islamarkaana laga faa’iidaysto khayraadka deegaankeenu hodanka ku yahay si uu iskaashigeenu u noqdo mid lagu hirgaliyo qorshaha ay xukuumada DDSI sanadkan dajisay ee ah waan soo ceshan karaa inku filnaanshaheenii.
Comments are closed