Labada qof oo weerarkan ku dhintay ayaa kala ahaa ninkii isqarxiyey iyo mid kamid ah illaalada xaduuda ee maamulka Xamaas.
Waxaa weerarkan ku dhaawacmay tiro kale oo ka tirsan ciidamada Xamaas iyo waliba ninkii labaad ee la socday qofka isqarxiyey.
Waa markii ugu horeysay oo ay Daacish weerar ka geysato dhulka Gaza ee Falastiin, waxayna sanadihii lasoo dhaafay weeraro kala duwan ka geysteen gudaha dalka Masar.
Xamaas ayaa bilihii lasoo dhaafay xoojiyey hawlgalada ay ku sugayaan xaduuda ay la leeyihiin dalka Masar, wuxuuna maamulkaasi uu horey u beeniyey eedeyn uga timid dowlada Masar oo Xamaas ku eedeysay inay gacan siiso kooxaha hubeysan ee ku sugan gobalka Sinaay.
Maamulka Xamaas ayaa hada doonaya inuu wanaajiyo xiriirka uu la leeyihin Masar oo ah xaduuda kaliya oo ay mari karaan tan iyo intii Israel ay xayiraada saartay dhulka Gaza.
Comments are closed