Booliska gobolka iyo Wasaaradda Arrimaha gudaha ayaa si wada jir ah shir saxaafadeed u qabtey, waxaana ay faahfaahin ka bixiyeen sida wax u dhaceen.
Booliska ayaa la weydiiyey in weerarkaani ahaa mid argagixiso iyo in kale, waxaana ay sheegeen in aysan hadda ka jawaabeyn sababta weerarka, sidoo kale Boolisku waxay diideen in ay ka jawaabaan in la maqley erayo Carabi ah amrkii weerarku dhacaayey. Sidoo kale Boolisku waxay ka gaabsadeen in ay hadda shaciyaan magaca iyo aqoonsiga kan weerarka qaadey. Boolsiku waxay shacabka kula taliyeen in ay ka fogaadaan bartamaha magaalada Turku.
Boolisku waxa uu wadaa Baaritaan, waxaana ay nolol ku hayaan kii weerarka geystey, Boolisku waxay sheegeen in aysan meesha ka saareyn in hal qof ka badan uu weerarkan ku lug lahaan karo.
Dalka Finland ayaa ah dal aan faro gashan siyaasadaha arrimaha dibadda ee dalalka kale, kama mid ah gaashaanbuuraha ciidamada ee dalalka qaar ku bahoobeen, waa dal lagu yaqaan amni, inkasta oo ay ka dhacaan falal denbi iyo dilal mar mar ah oo ay geystaan kuwo madaxa ka xanuunsan ama dhibaato qoys qaba.
Comments are closed