munaasabadan maalinta dhalinyarada dalkeen oo sanad kasta la xuso bisha nahaase 12keeda ayaa waxaa munaasabadan maanta ka soo qaybgalay masuuliyiinta sare ee xukuumada DDSI oo ay ka mid yihiin madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ee DDSI marwo Sucaad Ahmed Faarax, Wasiirka xafiiska maamulka DDSI mudane Cabdimahad Maxamed Cabaase masuuliyiinta xarunta dhexe ee XDSHSI oo ay ka mid yihiin wasiirka xafiiska ganacsiga gaadiidka iyo warshadaha DDSI ahna madaxa arrimaha xisbiga xarunta dhexe ee XDSHSI mudane Khadar Cabdi Ismaaciil, Madaxa arrimaha siyaasada xarunta dhexe ee XDSHSI mudane Cumar Maxamuud Cabdi ,golaha wasiirada DDSI iyo qaybaha kala duwan ee ururada dhalinyarada DDSI.
Hadaba munaasabadan oo halku dhig looga dhigay” xoojinta ka qaybgalka iyo ka faa’iidaysiga dhalinyarada ayaa ku xaqiijinaynaa nabadeena iyo midnimadeena ayaa waxaa ugu horayntii ka hadlay madaxwayne ku xigeenka ahna Wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah ee DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax oo sheegtay in ay dhalinyaradu tahay lafdhabarta bulshada islamarkaana yihiin cududa ka midho dhalinaysa hirgalinta qorshayaasha horumarineed ee lagu gaadhayo wadamada dhaqaalahoodu meel dhexaadka yahay waxayna ka warbixisay madaxwayne ku xigeenku in ay dalkeena itoobiya iyo deegaankeenu dajiyeen istaraatajiyado iyo qorshayaal lagu horumarinayo dhinyarada islamarkaana loogu samaynayo shaqo abuuro taas oo loo baahan yahay inay dhalinyartu ka faaiidaystaan fursad qaaliga ah ee ay ka heleen dawladooda.
Dhankiisa wasiir ku xigeenka dhalinyarada iyo ciyaaraha DDSI mudane Cabdishakuur Cismaanayaa ka warbixiyay ahmiyada ay leedahay munaasabadan lagu xusayo maalinta dhalinyarada aduunka wuxuuna sheegay in xukuumada DDSI guulo waawayn ka soo hoysay istaraatajiyadaha lagu horumarinayo dhalinyarada gaar ahaan ahmiyada ay xukuumada DDSI siisay dhinaca shaqo abuurka dhalinyarada deegaanka.
ugu danbayntii fadareeshinka dhalinyarada DDSI ayaa shahaadooyin sharaf gudoonsiiyay xafiisyadii kaalinta muga leh ka qaatay hirgalinta qorshayaasha lagu horumarinayo dhalinyarada deegaanka.
Comments are closed