Degaanka bariire oo ay ku noolyihiin dadka beeralay ah waxay ahayd goob ay ku xoog badnaayeen Al-shabaab, halkaasi oo weerar ay kaga soo qaadi jireen saldhigyada ciidamadda dowladda federaalka ee degmadda afgooyo
Deegaanka Bariire ayaa kamid ah tuulooyinka hoostaga degmada Awdheegle ee gobolkaasi ayaa 14 km dhinaca koonfureed ka xiga degamada Afgooye, halkaasi o la sheegay in laga taagay calanka Soomaaliyeed, islamarkaana laga dejiyay calanka maleeshiyada Al-shabaab.
Guddoomiye K/xigeenku kaloo Wuxuu sheegay in ciidanka Xoogga Dalka siweyn loogu soo dhaweeyey deegaanadii ay qabsadeen, isagoo ugu baaqey shacabka ka soo jeeda deegaanadaasi in ay dib ugu so laabtaan guryohooda, islamarkaana laga qaaday culeyskii ay ku hayeen al-shabaab.
Ciidamadda Federaalka oo weheliyaan ciidamo Maraykan ayaa bishii may ee sanadkan weeraray saldhiga Al-shabaab ee degaanka Bariire, waxaana halkaasi ku dhintay askari maraykanka. Dowladu federaalku waxay sheegtay in saldhig ciidan ay ka samaynayso degaanka oo ayan dib uga laaban doonin.
Comments are closed