Finland: Booliiska oo 4 qof oo kale u qabtay weerarkii Turku

Finland (estvlive) 19/08/2017

Booliiska dalka Finland ayaa faah faahin maanta oo sabti ah ka bixiyey weerarkii Jimcihii shalay ka dhacay magaalada Turku oo ay ku dhinteen labo qof.

Weerarkaasi oo mindi loo adeegsaday ayaa waxaa geystay nin u dhashay dalka Marooko oo da’adiisa lagu sheegay 18 sano jir, dalkaasi qaxooti ahaan ku joogay. Booliiska ayaa lugta ka toogtay waxayna ku qabteen nolol.

Waxaase hada xabsiga la dhigay 4 nin oo kale oo iyaguna kasoo jeeda dalka Marooko kuwaasi oo la tuhunsan yahay inay weerarkaasi ku lug lahaayeen, walow aysan booliiska faah faahin ka bixin kaalinta raggaasi ku lahaayeen weerarka.

 

Ninka mindida watay ayaa la sheegay inuu si gaar ah u raadsanayey inuu waxyeeleeyo haweenka ama dumarka marayey wadada, ragga dhaawaca soo gaaray ayaa ahaa kuwo isku dayey inay ninkaasi qabtaan.

Labada qof ee geeriyootay ayaa ah kuwo u dhashay dalka Finland, waxaa dhaawac soo gaaray 8 qof oo u badan muwaadiniin dalkaasi u dhalatay, waxaaseku jira sadex qof oo ajaanib ah oo u kala dhashay dalalka UK, Sweden iyo Italy.

Weerarkan ayaa kusoo beegmay saacado kadib weerarkii habeenkii khamiista ka dhacay dalka Spain oo ay sidoo kale geysteen rag intooda badan kasoo jeeday dalka Marooko, weli macada in labada weerar ay wax xiriir ah lahaayeen.

Waxaa si weyn loo adkeeyey amaanka goobaha dadka isugu yimaado ee dalkaasi Finland.

Saraakiisha maanta u hadlay ciidamada Finland ayaa sheegay in falkan ay u arkaan iskuday dil oo la xariira fal argagaxiso, waa sida ay hadalka u dhigeenee.

Comments are closed