“Madaxweynaha JFS waxaa uu ku sii jeedaa dalka Masar, kadib markii uu casuumaad ka heley dhigiisa dalkaasi, wuxuu lakulmi doonaan madaxweynaha dalkaasi C/fataax Al-sisi, waxaa ku wehliya safarka madaxweynaha xildhibaano iyo wasiiro oo ay kamid yihiin wasiirada arrimaha dibadda iyo waxbarashada”, sidaasi waxaa yiri Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya C/nuur Max’ed Axmed.
Mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar iyo jaaliyadda Soomaaliyeed eek u nool magaalladda Qaahira ayaa isku diyaarinaya sidii ay u soo dhaweyn lahaayeen wefdiga madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Dhinaca kale Farmaajo, ayaa waxaa uu la kulmi doonaa jaaliyadda Soomaalidda eek u nool Qaahir, waxaana kulankooda uu ka dhici doonaa MARKAZ MUTAMATAAD AL-AZHAR QAACADA FUSDHAAD, sida ku cad qoraalka kasoo baxay Safaaradda.
Comments are closed