Madaxweynaha Puntland oo Ka Hadlay Dagaalka Buuhoodle iyo Xaaladda oo Degan

Riyaad (estvlive) 20/08/2017

Madaxweynaha dowladda Cabdiweli Maxamed Cali gaas oo ku sugan Magaaladda Madiina, halkaasi oo ku gudanayo waajibaadka Xajka ayaa ka codsaday labada beelood ee walaalaha ee dagaalku ku dhexmaray magaaladda buuhoodle ee caasimadda gobolka cayn, dagaalkaasi oo dhimasho iyo dhaawacba gaystay.

Wuxuu  madaxweynuhu u sheegay beelahaas walaalaha ah inaan loo baannayn in la daadiyo dhiigga dadka wadda-dhashay ee ku sugan magaaladaasi, wuxuuna ugu baaqay dhammaan xukuumadda iyo shacabba in laga wadda qayb-qaato joojinta dagaaladaas iyo sidii loogu soo dabaali lahaa khilaafkaas wadda-hadal iyo is-fahan.

 

Xaaladda magaaladda buuhood ayaa saaka degan, waxaana socoto waan-waan nabadeed oo ay wadaan odoyaasha, culuma’udiinka iyo waxgaradka degaanka oo lagu doonayo in lagu joojiyo colaada dhexmartay labada beelood ee walaalaha oo maleeshiyaadkoodu ay weli isku hor-fadhiyaan gudaha magaaladda.

iska horimaadka ka dhacay magaaladda ayaa waxaa ku geeriyooday  dad gaaraya 8 qof, tiro intaa ka badana yaa ku dhaawacmay, waxaana uu dagaalku salka ku hayo aano qabiil oo u dhaxeysa beelaha Cali Gari iyo Reer Hagar oo ka wada tirsan beesha Dhulbahante.

Comments are closed