Wasiir Ku Xigeenka Horumarinta Waraabka Iyo Dooxooyinka DDSI Oo Sheegay Guulaha Laga Gaadhay Dhinaca Dib U Dajinta Bulshada.

Jigjiga (estvlive) 21/08/2017

Wasiir ku xigeenka xafiiska horumarinta waraabka iyo dooxooyinka DDSI mudane Xasan Cabdiraxmaan Aadan oo xafiiskiisa ugu waramayay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in guulo mug leh laga gaadhay qorshihii sanadka 2009TI ee dhinaca dib u dajinta bulshada xoolo dhaqatada ahayd ee loo badalay xoolo dhaqato beeralay iyo taaba galinta qorshaha hirgalinta mashaariicaha horumarka waara ee deegaanka  Sustainable Development Goals  (SDG)

 

Wasiirka ku xigeenka  ayaa sheegay in qorshihii u yaalay xafiiska  sanadka 2009TI ee la soo dhaafay laga soo hooyay guulo waawayn oo gashi u noqday  bulshada Deegaanka taasi oo la dajiyay ayuu yidhi wasiir ku xigeenka sanadkan 2009TI, qaysas dhan 6,825 qays   kuwaasi oo markii hore ahaa bulsho reer guuraa ah. Balse markii  ay xukuumada DDSI u samaysay dib u  dajint isbadal horumarineed lagu sameeyay hab nololeedkii bulshada  lagana dhigay bulsho xoolo dhaqato beeralay ah kana  Raystay Noloshii adkayd ee reer-guuraaga ahayd islamarkaana   ka   faa’iidaysanaya adeegyada kale ee aas aasiga ah ee ay xukuumada DDSI  hirgalisay sida:- waxbarashada, caafimaadka, xarumaha xanaanada iyo helitaanka  biyaha nadiifta kuwaasi oo laga  hirgalisay goobaha laga sameeyay dib u dajinta.

Dhinaca kale wasiirka ku xigeenka  ayaa tibaaxay hirgalinta mashaariicaha waaweyn ee horumarka waara (SDG)  gaar ahaan  mashaariicaha waawayn ee la dhamays tiray ee ay ka midka yihiin mashaariicaha waraabka beeraha ee baka, birqod, goomaar, wijiwaaji, maraacaato iyo mashaariicaha kale ee ah  buundada waangay, mashaariicaha  biyo galinta xaaqo, qabribayax, harta sheekha,  birqod, gunagada, buundada soora iyo buundooyin kale oo muhiim u ah isku socodka bulshada degmooyinka deegaanka ee hore u kala xidhnaan jiray.

Ugu danbayntii wasiirka ku xigeenka  ayaa sheegay in xafiiska horumarinta waraabka iyo dooxooyinka DDSI xooga saarayo ka midho dhalinta  dadaalada ay xukuumada DDSI ugu jirto taaba galinta   istaraatajiyadaha iyo qorshayaasha horumarineed ee lagu tir tirayo sabaalnimada   kuwaasi oo ay  sal u yihiin hirgalinta mashaariicaha horumarka waara ee SDGga, hirgalinta qorshaha isbadalka koboca dhaqaalaha wajigiisa 2aad ee (GTP2) ee dalku kaga mid noqonayo wadamada uu dhaqaalahoodu dhex-dhexaadka yahay iyo waliba hirgalinta qorshaha ah isku filnaan shaheena waan soo ceshankarnaa.

Comments are closed