Ciidamada Maraykanka ee ku sugan Afghanistan ayaa dagaalka ku jira hada muddo 16 sano ah iyagoo aan weli ka guuleysan xoogaga Talibanka ee dalkaasi ka dagaalamaya.
Xukuumadii hore ee Obama ayaa horey u dajisay in hoos loo dhigo tirada ciidamada dalkaasi jooga oo hada gaaraya in ka badan 8 kun, balse Trump khudbadiisan kuma sheegin tirada ay ku kordhin doonaan ciidamadaasi.
“….Hadii aan kasoo baxno dalka Afghanistan waxay halkaasi xarun u noqon doontaa kooxaha argagaxisada sida Talibanka iyo ISIS….” ayuu yiri Trump oo dhinaca kale dhaliil kala dul dhacay wadanka Pakistaan oo ay xulafada yihiin.
Wuxuu ku eedeeyey Pakistaan inay gabaad siiyaan kooxaha argagaxisada, arrintaasina aysan sii socon karin, wuxuuna ugu baaqay xukuumada Islamabad inay si daacad ah ulla shaqeeyaan Maraykanka. Trump ayaa dhinac kale Amaanay dowlada India oo uu sheegay inay diyaar u tahay inay gacan kasiiso xasilinta Afghanistan.
Donald Trump ayaa docda kale sheegay in ay dhamaatay Siyaasadii Maraykanka ay ahayd dib u dhiska, isagoona sheegay waxa ay u joogaan Afghanistan aysan ahayn dib u dhiska dalkaasi balse ay tahay oo kaliya Laynta ama dilida kooxaha argagaxisada, waa siduu hadalka u dhigayee.
Todobaadkii lasoo dhaafay ayey xukuumada Trump iyo saraakiisha militariga Maraykanka ka wadahadalayeen siyaasadooda ku aadan dagaalka ka socda Afghanistan, waxaana jiray dadaal ay ugu jiraan shirkado gaar loo leeyahay oo doonayey inay iyagu militariga Maraykanka kala wareegaan hawlgalada Afghanistan.
Erik Prince
Maalqabeenka lagu magacaabo Erik Prince oo horey ulahaan jiray shirkad leh ciidamada u gaarka ah ee horey loo oron jiray Blackwaters oo dhibaatooyin kasoo geysatay Ciraaq ayaa dooneysa in Militariga Maraykanka kala wareegaan hawshooda Afghanistan.
Mr.Prince ayaa kamid ahaa tujaartii maalgeliyey Trump xiligii uu ku jiray ololaha doorashada. Waxayna sidoo kale wada dhasheen haweenayda uu Trump u magacaabay Wasiirka Waxbarashada.
Puntland & Balidoogle
Ninkan ayaa hada saldhig ku leh dalka Imaaraadka Carabta oo qandaraas ku siisay tababarida ciidamada Imaaraatiga.
Wuxuu Prince sidoo kale qeyb weyn ku lahaa dhismaha Ciidamada Marineska Puntland xiligii la dhisayey iyadoo ay hoostageen shirkadii Sarancen oo uu qandaraaskaasi siiyey, waxaana maalgelinta masharuucaasi bixisay dowlada Abu Dhabi.
Shirkada uu leeyahay Erika ayaa hada qandaraas ka heysata Dowlada Maraykanka isla markaana la sheegaa inay ciidamadooda ku sugan yihiin Saldhiga Balidoogle.
Qorshaha Prince ayaa hada ahayd in ciidamada isaga u shaqeeya ay hawlgalada kala wareegaan militariga Maraykanka ee Afghanistan ku sugan, taasi oo uu ku heli lahaa dhaqaale baaxadleh.
Waxaa ka horyimid qorshaha Prince Wasaarada Gaashaandhiga Maraykanka ee Pentagon oo ku tilmaamtay hawlgalkaasi mid aan loo gacan gelin karin shirkad si gaar ah loo leeyahay.
Weli waxaan cadeyn in Trump uu Prince qorshihiisa u fulin doono ama ciidamo Dheeraad ah oo ka socda militariga Maraykanka u diri doono Afghanistan, isagoo shirkii jaraa’iid oo uu xalay qabtay diiday inuu faah faahiyo qorshiisa Afghanistan.
Comments are closed