Md. Farmaajo, ayaa kula dardaarmay jaaliyadda Soomaaliyeed iney kaalin ka qaataan horumarka dowladnimo ee ka socoda dalkooda hooyo, isagoona bogaadiyay dadaalkoodi horumarineed.
Dhinaca kale Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kulanka jaaliyadda ka hore waxaa uu kulan la qaatay dhigiisa dalkaas CabdiFitax Al-Siisi, iyaga oo ka wada hadlay xiriirka labada dowladood.
Madaxweyne Al-Sisi, ayaa ku soo dhaweeyay dhigiisa Soomaaliya Qasriga madaxtooyada Al-Itixaadiya ee magaalladda Qaahira, halkaasoo ay kuwa qaateen kulan gaar ah, oo lagu lafa-guray intiisa badan xiriirka labada dowladood iyo sidii loo soo xoojin lahaa.
Gaar ahaan mdaxweyne Farmaajo ayaa kala hadlay madaxweynaha uu la kulmay in shirkada Egypt Air ay duullimaadyo toos ah ka bilowdo Muqdisho iyo Qaahira. Sidoo kale waxaa ay ka wadda hadleen in dal ku galka loo fududeeyo gaar ahaan dadka ku safraya Baasaboorada Shaqaalaha iyo Diblomaasiga, in dowladda Masar ay ka hirgaliso Soomaaliya xarun lagu tababaro Diblomaasiyiinta iyo in la kordhiyo deeqaha waxbarasho ee dowladda Masar ay siiso Ardeyda Soomaaliya.
Comments are closed