35 qof oo lagu diley duqeyn ka dhacdey dalka Yemen

Yemen (estvlive) 24/08/2017

Ugu yaraan 35 qof ayaa lagu diley caasimadda dalka Yaman ee Sanca, kadib markii diyaaradaha dagaalku ay duqeeyeen. Dadka geeriyoodey ayaa u badan dad rayid ah, sida ay ku soo waramayaan ururada caafimaadka ee dalka Yaman.

Wararku waxay sheegayaan in laba duqeyn oo dhanka cirka ah oo ay geysteen diyaaradaha Xuladafada Sucuudiga ay bartilmaameed ka dhigteen Hoteel yar oo ku yaala Arxaab ee Waqooyiga Sanca. Xuseen al-Dhawil oo ka tirsan hay’dda Bisha Cas ayaa sheegaya in dhaawaca Isbitaalka ayaala uu ka badan yahay 13 qof.

 

Tirada dhimashada iyo dhaawaca ayaa dhici karta in ay kor u kacdo, waxaana weli baaritaan ku socdaa bur-burka dhismaha Hoteelka yar ee diyaaradaha cirku gantaalka ku dhufteen.

Malayshiyaadka Xuuthiyiinta ayaa gacanta ku haya caasimadda Sanca ee Yemen tan iyo sanadkii 2014, waxaana ay weerarkan ku eedeeyeen diyaaradaha dagaalka ee Sucuudiga.

Xaaladda dalka Yemen ayaa maraysa halkii ugu xumeyd, waxaa dalka ka dilaacay daacuun, macaluusha iyo gaajaduna waxay noqotey mid soo ridata kumaankun qof. Hay’adda Qaramada Midoobey ayaa xaaladda dalka Yemen ku tilmaantey xaalad aad u ba’an oo aan horey loo arag.

Comments are closed