Tababar Ku Saabsan Kobcinta Awooda Fulineed Ee Hay’adaha Cadaalada Oo Ka Furmay Jigjiga.

Jigjiga (estvlive) 25/08/2017

Tababar ku saaban sidii kor loogu qaadilahaa kobcinta awooda fulineed ee  hay’adaha cadaalada degmooyinka deegaanka oo loo qabtay 375 xubnood oo ka socda 15 degmo oo ka mid ah degmooyinka deegaanka ayaa ka furmay caasimada deegaanka ee jigjiga.

 

Tababarkan ay   soo diyaarisay maxkamada guud ee DDSI  ayaa waxaa furitaankiisii  ka hadlay gudoomiyaha  maxkamada guud  DDSI mudane ugaas  Cabdilaahi  Maxamuud Cabdi oo ka warbixiyay ujeedooyinka iyo ahmiyada uu leeyahay tababarku wuxuuna sheegay in dulucdiisu tahay sidii kor loogu qaadilahaa awooda fulineed ee hay’adaha  cadaalada qaarka mid ah degmooyinka deegaanka si loo xoojiyo  ilaalinta xuquuqaha  sharciga caruurta uu siiyay dastuurkeenu gudoomiyaha ayaa sheegay in guulo waawayn deegaankeenu ka gaadhay taamyeelida ilaalinta  xuquuqaha aadamaha iyada oo   ahmiyada gaar aha la siiyay ilaalinta xuquuqaha  haweenka iyo caruurta. Gudoomiyaha ayaa ku booriyay xubnahan tababarka loo furay in ay ka faa’iidaystaan cashirada la dhigayo mudada uu tababarku socdo.

Dhankiisa waxaa ka hadlay furitaankii tababarkan gudoomiye ku xigeenka maxkamada guud ee DDSI  mudane Axmed Maxamed Shukri oo ka warbixiyay dadaalka ay xukuumada DDSI ugu jirto taaba galinta, ka midho dhalinta qorshayaasha horumarineed ee lagu gaadhayo wamada dhaqaalahoodu iyo  xaqiijinta sarraynta sharciga intaba  si ay muwaadiniinta bulshadu si buuxda   u helaan xuquuda garsoor ee uu dastuurku siiyey sidoo kalana adeegyada ay bixinayaani  hay’adaha cadaaladu noqdo  mid  firfircoon, casri ah isla markaasna leh ka gun-gaadhid ay si dhab ah u taaban karto bulshada gaar ahaan xuquuqaha caruurta wuxuuna ku booriyay  gudoomiye ku xigeenku in ay sidii loogu talagalay uga faa’iidaystaan xubnahan loo furay tababarka si looga guul gaadhoo ujeedooyinka laga leeyahay tababarka.

Comments are closed