9 Qof oo rayid ah oo lagu diley gobolka Shabeelada Hoose

Bariire (estvlive) 25/08/2017

Ciidamada Dowaldda federaalka Soomaaliya ayaa subaxnimadii hore ee Jimacada Hawlgal ka sameeyey deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelda Hoose, halkaas oo lagu eedaynayo in ay ku dileen ugu yaraan 9 qof oo rayid ah.

Meydadka 9 qof oo rayid ah ayaa lagu soo bandhigey Muqdisho kuwaas oo lagu diley deegaan ku dhaw Bariira ee gobolka Shabeelada Hoose.

 

Guddoomiye ku-xigeenka dhanka amniga ee gobolka Shabeelda Hoose Cali Nuur Maxamed ayaa sheegay in dadkaan ay dileen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay la msocdaan ciidamo calooshood u shaqeystayaal ah oo ka tirsan shirkadda Bancroft ee dalka Maraykanka. Wasiirkia Amniga ee Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada hawlgalka fuliyey ay ahaayeen kuwa Soomaaliya ee aysan ku jirin ciidamo ajnebi ah.

Maamulka Shabeelada Hoose ayaa sheegay in dilku dhacay subaxnimadii hore ee Jimacada dadka la laayey ay ahaayeen Beeraley, waxaana ka mid ah caruur aad u day’yar.

War saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka oo ku qoran afka Ingriiska ayaa lagu sheegay in ciidamada oo hawlgal koox ka tirsan al-Shabaab ay rasaas ku soo rideen, kadibna ay galeen beer, waxaana jawaab ka bixiyey ciidanka.

Deegaanka Bariire ayaa dhawaan laga qabsadey ururka al-Shabaab oo weli xoog ku leh gobolka Shabeelada Hoose.

Comments are closed