Sports: Ciyaartii Feerka ee Qarniga & Guushii 50aad ee Mayweather

Mareykanka (estvlive) 27/08/2017

Ciyaartii Feerka ee xalay dhexmartay Floyd Mayweather iyo Conor McGregor ayaa ahayd mid aad u xiisa badan, isla markaana u riyaaqeen in badan dadkii sugayey ciyaartan bilihii lasoo dhaafay.

Floyd Mayweather oo isagu horey usoo guuleystay 49jeer isla markaana aan weligiis laga guuleysan ayaa labo sano kahor ka fiirstay ciyaaraha Feerka balse dib usoo noqday si uu u la ciyaaro Conor McGregor oo ah ciyaaryahan guulo kasoo gaaray ciyaaraha MMA/UFC oo ku faanay inuu labo wareeg oo kaliya ay ku qaadan doonto inuu uga guuleysto Mr.Mayweather.

 

Ciyaartan ayaa xiiso dheer usii yeeshay kadib markii labada nin ay hawada isu mariyeen aflagaado iyo hanjabaad culus.

Mayweather oo isagu hada ah maalqabeen lagu sheegi jiray ciyaaryahanka caalamka ugu qaalisan, ayaa sheegay in ciyaartan uu hadyad uga dhigi Doono dhamaan Dadka Madowga ah ee caalamka ku nool, isla markaana sheegay inuu cashar u dhigi doono ciyaaryahanka cadaanka ah ee Conor McGregor oo kasoo jeeda dalka Ireland.

Xasaasiyaadka isirka ee hada ka jirta Maraykanka ayaa arrintan sare usii qaaday, kadib markii McGregor uu dhowr jeer ugu yeeray Mayweather erayga sida weyn ay Madowga Marakanka u necebyihiin ee ah “Boy”, eraygaasi oo ay cunsuriyiinta Maraykanka horey ugu yeeri jireen ragga madowga si ay u muujiyaan inay ka sareeyaan dadka madowga ah.

Inkastoo McGregor oo isagu ka yimid dalka Ireland sheegay inuusan la socon in eraygaasi uu ceeb ka ahaa dalka Maraykanka, ayaa sheegay inuusan isagu cunsuri ahayn.

Waxaa dhinaca kale su’aalo badan la iska weydiinayey in Mayweather oo hada ah 40 sano jir uu iska dhicin karo McGregor oo ah 29 sano jir.

McGregor ayey isaguna u ahayd markii ugu horeysay oo ka qeyb qaato ciyaarta feerka ee gacamaha kaliya laga ciyaaro, isagoo horey guulo badan uga soo gaaray ciyaaraha feerka iyo lugaha ah ee loo yaqaan MMA.

Wareegii 10aad
Markii labada nin ay xalay ku kulmeen xarunta ciyaarta ka dhaceysay ee T-Mobile Arena ee ku taal Las Vegas, ayaa waxaa muuqatay in shacabka in badan taageero u muujinayeen McGregor.

Wareegyadii hore ee ciyaarta ayaa waxaa ku gacan sareeyey McGregor balse wareegii 4aad wixii ka danbeysay waxaa ciyaarta la wareegay Mayweather oo markale muujiyey khibradiisa dheer ee dhanka Feerka, wareegii 10aad ayuu garsooraha ciyaarta joojiyey si uu u-badbaadiyo McGregor oo aad looga gacan-sareeyey.

Ciyaarta ayaa socotay 28 daqiiqo oo ah in ka badan wakhtigii la filayey inay ciyaartan socon doonto.

Wuxuuna Mayweather dhigay taariikh cusub oo ka dhigaysa inuu yahay feeryahankii ugu horeeyey oo guuleysta 50jeer isagoo aan weligiis bar-bardhac gelin ama laga guuleysan. Wuxuuna sheegay inuusan markale dib u ciyaari doonin.

Comments are closed