Haddaba, ka hor intaan salaada lagalin ayuu madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar halkaa ka soo jeediyay hadalo muhiim ah isagoo hambalyo udiray dhamaan muslimiinta caalamka ee nabada jecel gaar ahaan muslimiinta reer itoobiya khaasatan shacabwaynaha deegaanka uguna hambalyeeyay farxada ciida barakaysan ee ciidal adxa islamarkaana ilaahay uga baryay inuu sanadkan sanadkiisa ku gaadhsiiyo nabadgelyo, barwaaqo, farxad iyo rayn-rayn. Madaxwaynaha ayaa sheegay in cadawga 1aad ee deegaanku yahay saboolnimada taasi oo ay xukuumada DDSI dajisay qorshayaashi lagu tir tirilahaa saboolnimada laguna midho dhalinayo horumar waara oo joogtaysan iyo isku filnaansho dhinac kasta leh madaxwaynuhu sheegay in xukuumada DDSI munaasabada barakysan ee ciidal adxa ay cafis u fidinayso maxaabiista badan kuwaasi oo u badnaan doona dumar iyo dadka waaway iyada oo hada ka dib maxaabiista loo samayn doona shaqo abuur iyada oo la barayo xirfadaha kala duwan oo ay ka shaqaystaan iyaga oo maxaabiis ah.
Dhankiisa waxaa ka hadlay munaasabadan salaada ciidal adxa gudoomiyaha golaha sare ee arimaha islaamka DDSI mudane sheekh Cabdiraxmaan Xasan Xuseen oo ka warbixiyay ahmiyada iyo fadaa-isha ay leedahay munaasabadan ciidal adxa isaga sheegay in xujaajdii sanadka gudatay waajibaadka xajma ee ka tagay DDSI ay nabad qab ku gudanayaan waajibaadkooda xajmka .
Tukashadii salaada ciida ka dib waxa uu madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar iyo masuuliyiintii kale ayaa mafaaso dheer la lugeeyay shacabwaynaha ka qaybtalay musasabada salaada ciidal adxa..Ugudanbayna, shacabwaynihii salaada ciida isugu yimid oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in nabad iyo horumar ku ciidaan.
Comments are closed