Weerarka ayaa ka dhacay meel ku dhaw magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelada Hoose, maalintii Khamiista ee shalay waxaana lagu diley hal qof oo ka tirsanaa ururka al-Shabaab sida lagu yiri warsaxaafadeedka.
Lama oga shakhsiga ciidamada Maraykanku ku dileen weerarkan cusub qofka uu ahaa iyo xilka uu ka hayey al-Shabaab.
Warka ka soo baxay ciidanka Maraykanka ayaa lagu sheegay in Dowladda federaalka ah iyo iyagu ay iska kaashadeen weerarka, waxaana oggolaanshaha bixiyey Madaxweynaha Soomaaliya bishii Maarso 2017 taas oo u oggolaaneysa ciidamada Maraykanku in ay weeraro fudud ku qaadi karaan al-Shabaab.
Ciidamada Maraykanka ayaa kor u qaadey weerarada diyaaradaha Drone-ka ah ee gudaha Soomaaliya waxaana maalintii Ciidul Adxaaga ku dileen isla gobolka Shabeelada Hoose saddex kamid ah al-Shabaab, sidoo kale maalintii Saaalasad ee todobaadkan ayaa weerar kale ay qaadeen diyaaradahooda drone-ka ah waxaana ay sheegeen in ay dileen qaar ka tirsan al-Shabaab.
Comments are closed