Waxaana, furitaankii tababarkan ka hadlay wasiirka xafiiska tababarada xirfadaha iyo farsamada DDSI mudane Naasir Xasan oo sharax dheerka bixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka tababarkan isaga oo sheegay in uu yahay mid ka socda dalkeena oo dhan islamarkaana ka furmay maanta kuliyada deegaanka wasiirka ayaa sheegay in mudada uu tababarkani socdo si Xeel dheer loogu gorfayndoona fulinta iyo meelmarinta qorshaha 2010TI ee dhinaca sactarka TVETKA isaga oo ku booriyay barayaashan iyo shaqaalaha kuliyada in ay si qoto dheer uga faa’iidaystaan mudada uu tababarku socdo
Dhankiisa wasiir ku xigeenka xafiiska tababarada xirfadaha iyo farsamada DDSI mudane Cabdirisaaq Saxane Cilmi oo ka hadlay furitaankii tababarkan ayaa sheegay ahmiyada uu tababarkani u leeyahay macalimiinta iyo shaqaalaha kuliyadaha islamarkaana uu yahay mid ku taxa luqa doorka ay macalimiintu ku leeyihiin soo saarida arday tiro iyo taya leh wasiir ku xigeenka ayaa tilmaan dheerka bixiya istaraatajiyadaha iyo jihooyinka horumarineed uu u dajisan sactarka waxbarashada isaga oo ku booriyay macalimiinta iyo shaqaalaha loo furay tababarka in mudada uu socda tababarku ka qaataan kaalin fir-fircoon si ay natiijada tababarku u noqoto mid waxwayn ka qaadata xawaaraha hirgalinta qorshayaasha horumarka. Wasiir ku xigeenka ayaa intaasi ku daray in tababarkan socondoomo mudo 5 maalmood ah.
Comments are closed